Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in heshiis xeerjajab ah laga gaaray falkii lagu dilay wasiirkii howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanada kasoo kala jeeda beelaha H/Gidir iyo Digil/Mirifle ayaa isla gaaray inay arrinta ay dhexdooda ka dhameystaan si Soomaalinimo ah, kadib kulankoodii ugu horeeyay ee ay yeeshaan.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka danbeysay dad kala duwan oo arrinta dhex galay, iyadoo laga baqay inay xiisad siyaasadeed dhaliso, waxaana xildhibaanada labada beelood ay sheegeen inay dhexdooda dhameysanayaan kiiska ka dhashay dilka wasiirka iyo dacwadda loo heysto Hanti dhowraha Nuur Faarax Jimcaale.
Kulamada labada dhinac ayaa sii socon doona inta xal laga gaarayo arrintan, Lamana oga in arrintan ay dowladda Federaalka raali ka tahay iyo inkale, waxaana madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xabsi gurigii uu ku jiray laga saaro hanti dhowrka oo loo wareejiyay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Wadani.com