Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa la safatay Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka ee ka horjeeda dalka Qatar xiisadda ka taagan Khaliijka Carbeed.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in go’aankii dhexdhexaadnimo ee dowladda Soomaaliya ay qaadatay uu ahaa mid la qaatay iyadoo aan lagala tashan dowladaha federaalka.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay taariikh dheer oo ganacsi iyo xiriir la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana markii dowladda Soomaaliya oo balanqaaday inay dib u eegis ku sameyneyso mowqifkeedii hore uu waqtigu ku dhammaaday, ay ku qasbanaatay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay si buuxda u garab istaagto Imaaraadka iyo Sacuudiga.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA