War cusub ayaa ku soo kordhay xilliga la magacaabayo Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowaan soo gabagabeeyay la-tashiyadii uu la yeelanayay xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay inaysan magacaabidda dhici doonin maalin Arbaco ah, kadib maalmo badan oo dowladda Farmaajo ay go’aano qaadatay ay wada noqdeen maalinta Arbacadda.
Xogta laga helayo Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in magacaabidda Golaha cusub ee wasiirada ay dhici doonto 21-ka bishan Maarso iyo wixii ka dambeeya, xilligaas oo madaxweyne Farmaajo uu isu diyaarinayo safarra dibadda ah oo uu ku tegi doono dalka Kenya, halkaasoo uu ka dhacay shirk madaxeed dalalka IGAD ka leeyihiin arrimaha Qaxootiga.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hore uga dalbaday Ra’iisal wasaaraha inuu muddo 15 maalmood ah ku soo magacaabo xukuumadda cusub, waqtigaas oo ku ekaa 10-kii bishan Maarso 2017.
Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa ka culus xulashada ra’iisal wasaaraha oo madaxweyne Farmaajo ku qaaday muddo 14 sacadood ah, waxaana ay hadda ogaadeen labada mas’uul xaaladda adag ee ku xeeran awood qeysiga ku dhisan beelaha.
Wadani.com