Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dagaal ka dhex qarxay degaanka Macalin Nuur ee Degmada Dharkeynley ilaa Ex. Koontarool ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada amniga caasimadda iyo ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo sharci darro ah, waxaana markii la isku dayey in hubka laga qaado ay dagaal la galeen ciidamada amniga, taasoo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay laba askari, ayna ku dhaawacmeen 7 kale oo intooda badan shacab ahaayeen, waxaana weli ka taagan goobta xaalad kacsan iyadoo dagaalku dhacay maqribnimadii caawa.
Ciidamo badan oo ah kuwa Amniga caasimadda ayaa goobta tegay, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada ay la dagaalameen ay ahaayeen milateri qaab maleeshiyo u howlgala.