Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi galabta lagu dilay mas’uul ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Mas’uulka la khaarijiyay ayaa al sheegay inuu ahaa agaasimihii Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso oo lagu magacaabi jiray Aadan Gaas Huruuse.
Koox hubeysan ayaa Agaasime Aadan Gaas dhowr xabadood kala helay madaxa iyo laabta xilli uu fadhiyay Hotel Huruuse ee magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.
Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa qaaday howlgallo balaaran oo lagu xiray wadooyinka soo gala magaalada Boosaaso, isla markaana baaritaano caawa ka wada magaalada, inkastoo aan la shaacin cid loo qabtay falkan.
Falkan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan magaalada Boosaaso lagu khaarijiyay taliye ku xigeenkii ciidamada Puntland oo isna dabley hubeysan ay magaalada ku toogteen, una dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.
Wadani.com