Wasaaradda Amniga ayaa xarig ugu hanjabtay odayaasha dhaqanka ee isku daya inay sii daayaan ama ka daba tagaan askarta falalka amni darro lagu soo eedeeyo.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya C/Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Nabaddoonnada ka daba taga Askarta loo qabto waxyeellada dadweynaha xabsi la dhigi doono.
Wuxuu sheegay in dadka xiran dharka Ciidamada dowladda ee shacabka dhibaatada u geysta ay dowladda la xisaabtameyso sharcigana geyneyso. isagoo sheegay inay dhibaato ku qabaan Odayaal iyo nabaddoonno uu sheegay in ay Xabsiyada uga daba tagaan Askarta dowladda ee la xiro marka ay dad shacab ah dhibaateeyaan.
Afhayeenku waxaa uu ku hanjabay in xitaa Odayaasha Nabaddooonnada ay ee dowladda kala xaajoonaya siideynta dadka xir xiran ay xabsiga dhigi doonaan iyaguna. Arrintan ayaa ka danbeysay isku dhacyo iyo falal amni darro oo askarta dowladda ku dhex maray xaafadaha Muqdisho.