Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaisay kiisas cusub oo cudurka Codovid-19 ah oo laga helay gudaha Soomaaliya.
La-taliyaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la cudurak laga helay 13 xaaladood oo 8 ka mida laga soo weriyey Maamulka Somaliland, halka Gobolka Banaadir laga helay 5 xaaladood.
Tirada guud ee dadka laga helay Covid-19 waxay mareysaa 1,731, dadka bogsooday ayaa gaaraya 265 qof, halka dadka u gereiyooday ay taagan tahay 67 ruux.
Dr. Fuje ayaaka digay in cudurku si weyn ugu faafayo Goboladda dalka, markii dad badan oo magaalooyinka ka tegay ay aadeen, wuxuuna soo qaatay Somaliland oo kiisaskeeday kordheen iyo Galmudug, gaar ahaan magaalada Cadaado oo loo diray gurmad dawo iyo dhaqaatiir isugu jira, wuxuuna ka codsaday dhammaan dhalinyarada in qeyb weyn ka qaataan wacyigelinta ka hortagga cudurka Covd-29.