Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in n maalinta berri ay tahay 30ka bisha Shacbaan, halka Maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.
War kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa lagu sheegay in bishii Ramadaan aan la arkin Caawa, isla markaana la go’aamiyey in maalinta Khamiista ah ay bilaabato maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan iyadoo Berri oo Arbaco ah ay noqon doonta maalinta 30-aad ee ugu danbeysa Bisha Shacbaan.
Inta badan dalalka Islaamka ayaa go’aamiyey in Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan, waxaana arrintan soo saaray dalal badan oo ay ka mid yihiin: Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, Sunada Ciraaq, Turkiga, Indonesia, Cumaan iyo dalal kale oo fara badan.