Wasiiru Dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) ayaa ka digay in waxa ka dhacay Afghanisan ay Soomaaliya ka dhici karaan.
Wasiirka ayaa sheegay in 20 sano oo waqti iyo qarash badan lagu bixiyay dalka Afganistaan, kadibna hadda dhacday inay gacan galo Kooxda Daalibaan, isagoo ku baaqay in Soomaalidu isku tashadaan, kuna xisaabtamaan waxa ay leedahay.
“Haddii aan wax baraneyno Afghanistan, waxaan ka baraneynaa inaan dowladeena dhisano. Arrinta Afghanistan ka dhacday waa mid tusaale loogu soo qaadan karo dalkeena, haddii aanay ka fekerin, baaritaan ku sameyn, ciidanka aan heysano dowldda lagula xisaabtamin, waxaa laga yaabaa inay Soomaaliya ka dhacdo wixii Afghanistan ka dhacay” ayuu yiri wasiirka oo kasii digay in la helo Soomaalinimo, lana aqbalin fikraha iyo xoogaha xagjirka ah.
Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) wuxuu sheegay in Dadka khalafsan ee Soomaaliya ku dhex jira ee fikirka duwan wata aan marna aan raali laga wada noqon karin, ayna tahay in in meel looga soo wada jeesto.
Wuxuu eedeeyay aqoonyahanadda ku tiirsan reer Galbeedka iyo sida ay u nool yihiin, isagoo sheegay inaan jaceylka ajnabi waxba lagu gaari karin ee loo baahan yahay wax ay Soomaali leedahay.
Hadalkan ayuu Wasiiru Dowlaha waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ka sheegay Shirka 4aad ee Daawada iyo Sayniska Caafimaadka oo ka furmay Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.
