Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa digniin kasoo saaray shirar siyaasadeed ee saameynta ku yeelanayo xaaladda ammaanka.
Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo hay’adaha amniga ku qabteen Muqdisho ayuu ku celceliyay inaan la ogoleyn shirarka iyo abaabulka laga wado Muqdisho, isla markaana ay mamnuuc tahay in la qato shirar aan fasax looga heysan maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Amniga.
Arrintan ayaa ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo lagu xiray, isla markaana iska hor imaad dhacay ay dhinteen qaar ka mia ilaalada Guriga siyaasiga.
Amar wasaaradda amniga ayaa saameynaya shirar is barbar socda oo maanta ka socday magaalada Muqdisho, kuwaasoo beesha uu kasoo jeedo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ay isku abaabulayeen.