Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa jawaab ka bixiyay war ak soo yeeray dhigdiisa dalka Kenya Monica Juma oo sheegtay in wadaxaajood meel fiican marayo au leeyihiin dowladaha Kenya iyo Soomaaliya arrinta ku saabasan dacwadda Badda ee labadad dal.
Wasiir Cawad ayaa sheegayinaanu jirin wax wadahadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.
“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa
maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inuuusanjirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.
Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.