Wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isagoo tartan ugu jira xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay, wuxuuna sheegay inuu isagu doortay is-casilaadaasi markii uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay warqada is-casilaadiisa, isla markaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay in loo doorto xilka Guddoomiyihii Golaha Shacabka.
Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shardi uga dhigay xildhibaannada Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inay xilalka iska casilaan.