Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague [WQ: Yusuf Garad]

    Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague [WQ: Yusuf Garad]

    September 22, 20165 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shalay ayay Maxkamadda Hague ee Caddaaladdu billowday wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada hordhaca ah ee Kenya ee kiiska ay Soomaaliya soo oogtay ee ka dhanka ah Kenya. Kiisku wuxuu ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal.

    Xusuusin in wareegga koowaad ee dhegeysiga diidmadu uu ahaa Kenya Isniintii, Soomaaliyana Talaadadii. Shalay waxaa la galay wareeggii labaad oo dal waliba mar hadlayo ahna kelmaddeeda ugu dambeeysa. Kenya ayaa ku horreysay.

    Payam Akhavan

    akhavan
    Prof. Akhavan (Midig)

    Oo u dooday Kenya wuxuu ka dabaqaatay soo jeedinta Qareennada Soomaaliya ee maalintii Talaadada.

    Qareennada Soomaaliya wax badan ayay ka hadleen ayuu yiri, laakiin waxay ka meermeereen in ay ka jawaabaan su’aasha ugu muhiimsan ee Maxkamadda hortaalla.  Is-Af-Garadka (MoU) ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen 2009 macno ma xambaarsan yahay mise maya?

    Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada.

    Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda.

    Doodda Pellet haddii la raaco waxay u dhigantaa, ayuu yiri, in MoU-da cinwaanka uun laga soo qaato inta kalena la tirtiro. Taas oo noqoneysa in loogu talo galay keliya in Soomaaliya iyo Kenya ay midba midka kale u oggolaado in uu guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa.

    Akhavan wuxuu is weydiiyay, haddii ay ujeeddadu MoU ahayd keliya soohdimo u gudbinta CLCS, maxaa keenay in lagu daro Paragraph ku saabsan khilaaf xallinta?

    Isaga oo isu jawaabaya wuxuu yiri, waa in loogu talo galay waxa ay tahay oo ah in iyada loo raaco xallinta khilaafka. Taas oo ay Soomaaliya diiddan tahay.

    Macnaha dhabta ah ee MoU 2009 wuxuu ku sheegay Akhavan in saddex ujeeddo laga lahaa. Midda kowaad waa ujeeddada ay Soomaaliya oggoshahay oo ah in CLCS loo gudbiyo soohdimaha. Ujeeddada labaad waa CLCS soo jeedinteeda. Ujeeddada saddexaadna waa xallinta khilaafka.

    2033

    Talaadadii ayaa Prof. Pellet oo Soomaaliya u doodayay wuxuu sheegay in doodda Kenya ee ah in laga warsugo soojeedinta guddiga CLCS sida ku cad MoU, ka dibna la wadahadlo ay tahay wax aan caqli gal ahayn.

    Wuxuu xusay in kiisasani uu CLCS uga jiro nambarka 53. Isla markaasna uu guddigu CLCS sannad kasta ka talo-bixiyo qiyaastii 3 kiis, taas oo markaa ka dhigeysa in kiiska labadan dal uu Guddigu ka talo bixin doono 2033. Markaa ma ahan in la sugo 2033 si wadahadal loo galo.

    Isaga oo u jawaabaya Prof Pellet ayaa Akhavan wuxuu yiri, wuxuu professor-ku iska indha tirayaa in dib loogu celiyay 16 dal kiisaska ay u gudbiyeen CLCS. Tiradaasi waa dhammaan kiisaska yaalla CLCS ku dhowaad barkood. Waxaa kale oo jirta ayuu yiri in Guddiga CLCS uu hadda shaqeeyo 21 ilaa 26 usbuuc sannad kasta. Taasna wuxuu ku tilmaamay in ay howsha de-dejineyso. Tusaale ahaan Kenya waxay ku qornayd in kiiskeeda la eego 2022 laakiin, ayuu yiri, waxay ku soo beegantay 2014.


    Prof. Githu Muigai

    ahmed-and-muigai
    (Bidix) Axmed C. Daahir iyo Prof. Muigai

    Garyaqaanka Kenya oo soo gunaanaday doodda Kenya wuxuu sheegay in Kenya ay aqoonsan tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ iyo awooddeeda.  Kenya aanay ka soo horjeedin Maxkamadda, colaadna u qabin haba yaraatee.

    Waxaa kale oo uu sheegay in Kenya aanay dooneyn in khilaafani uu abid iska jiitamo ee ay doorbideyso in xal laga gaaro.

    Khilaafka soohdinta Baddu wuxuu ku soo beegmay, ayuu yiri, xilli siyaasad ahaan xasaasi ah. Soomaaliya mar dhow uun ayay billowday in ay ka soo baxdo muddo dheer oo ay ku jirtay xasillooni darro ay sabab u ahaayeen dagaal sokeeye, masiibo aadminnimo iyo xaalad arga-gixiso oo baahsan. Haddana ma laha Soomaaliya awood ay bad wax uga qabato.

    Kenya waxay walaac weyn ka qabtaa amniga badda gobolka. Arga-gixisada al Shabaab oo howlgalleeda badda uga faa’iideysataa waxay weli khatar ku tahay Kenya iyo waddammada Gobolka. Ciidan badan ayaa Kenya uga dhintay la dagaallanka al Shabaab. Boqollaal rayid ahna al Shabaab ayaa ku dishay Kenya, ayuu yiri.

    Wuxuu raaciyay in Calaamadeynta soohdinta badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay tahay mid u baahan wada xaajood xasaasi ah oo laba-geesood ah. Wadahadalkaasi ma ahan in uu eego keliya qaanuun uun ee waa in uu xeeriyo walaaca dhabta ah ee muuqda ee xagga amni iyo kan siyaasadeed ee ay Kenya qabto.

    Markii ay Soomaaliya ka soo baxday xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee aan cagaha xooggan ku taagnayn ayaan la furnay wadahadal heer farsamo ah sannadkii 2014. Waxaa wadahadalkaas dhicisiiyay Soomaaliya oo dacwadda u soo gudbisay Maxkamaddan.

    Kenya wuxuu sheegay in ay iskeed u joojisay howlihii kheyraad baaritaanka ay ka wadday aag badeedka ay Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.

    Intaa ka dib, Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:

    Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.

    Berrito oo Jimca ah ayay Soomaaliya bixineysaa jawaabteeda kama dambeysta ah.

    Posted by Yusuf Garaad

    Hague Kenya-Somalia Kiiska Badda Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCumar C/rashiid oo Amar culus siiyay laba Wasaaradood & loolan ka dhex bilowday xafiisyada sare
    Next Article DAAWO VIDEO: Wacdarihii ay Muqdisho ka dhigeen Sheekh Shariif iyo Taageerayaashiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo