Xaaska iyo gabar uu dhalay sarkaalka ONLF ee loo gacan geliyay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, iyagoo baaqyo kala duwan u diray madaxda dowlada iyo labada aqal ee Baarlamaanka.
Baaqa Maamo Khadro Maxamed Cabdi oo ah xaaska Qalbi-dhagax iyo Fartun Cabdikarim Muuse oo ah gabadhiisa ay dirayaan waa kii ugu dambeeyay baaqyo isdaba joog ah oo laga codsanaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in ay ka hadlaan sababta muwaadinka Cabdikarim Muuse(Qalbi-dhagax) loogu gacan-geliyay Cadawga Itoobiya.
Villa Somalia, waxaa ay muddo todobaad ah ka aamusan tahay xariga Qalbi-dhagax, ma aha markii ugu horeysay ee arrin noocan ah ka aamusaan, su’aalo badan ayaa jawaabahooda laga sugayaa madaxweyne Farmaajo iyo wasiirkiisa 1aad sida: Cidda iska laheyd go’aanka xariga Qalbi-dhagax? Qofka Khiyaanadan geystay? Sababta loo xiray? iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah ciqaabta iyo xil ka qaadista dadkii dhacdadan ka dambeyay! Waxaa muuqato markan in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda federaalka ah ku fahmeen siyaasadda ah….”aan aamusno waa la ilaawi doonaa!

Fartun Cabdikarim Muuse(Qalbi-dhagax) oo wareysi idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegtay in aaney war ka heyn aabaheed tan iyo inta la xiray, waxaa kale oo ay meesha ka saartay in ay jiraan mas’uuliyiin dowladda federaalka ka tirsan oo arrintiisa kala hadlay ama wax u sheegay.
Fartun Cabdikarim waxay ka hadashay in waalidkeeda uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, isla markaana calanka Buluugga ah uu ka difaacay cadawga Itoobiya, iyada oo codkeeda caro ka muuqata ayaa waxaa ay tiri: “Aabahey dalka dembi kama galin ee waa uu difaacay, waxaa dambiile ka dhigay Farmaajo iyo Kheyre una gacan galiyey cadowgii uu waligiis la dagaalamayay”.
Fartuun oo sidoo kale ka hadashay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay rajo ka qabtay ayaa waxaa ay madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ugu baaqday in ay si dhaqso ah ku soo daayaan aabaheed “Waxaan leeyahay Farmaajo Cali Kheyre haddii si degdeg ay aabahey ku soo celin waayaan ha ogaadaan inay dhici doonaan oo xukuumaddooda iyo dowladdooda aysan sii jiri doonin”
Dhinaca kale, Khadro Maxamed Cabdi oo ah xaaska Qalbi-dhagax, ayaa iyaduna sheegtay In Qalbi-dhagax loo gacan galiyey Itoobiya oo ay ku wareejiyeen Kheyre iyo Farmaajo, ninkii markii hore loo keenana uu ahaa Sanbaloolshe”
Maamo Khadro ayaa intaasi ku dartay “Itoobiya ayaa loo gacan galiyey Adis ababa ayaa laga dejiyey Thaabit ayaa raacay ayaa nalku yiri, haddee waa la iibsaday Itoobiya ayaa laga gatay”
Mar ay ka hadleysay Baasaboorka uu wato waxaa ay tiri “Waxaan waa been abuur kuwa hadda dhiibay waxay isku shub-shubteen waaye, Cabdikariim waxaa uu lahaa Baasaboor Soomaaliya ah, waxaa loo dhoodhoobay Baasaboor xun oo safaaradda ah, documentiyadii oo dhan way ka qaateen”
Khadro Maxamed Cabdi ayaa ugu dambeyntii tiri “Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre in Cabdikariim xuriyaddiisa ay dib ugu soo celiyaan, meeshii ay ka qaadeen ee dalkiisa, gacanta Itoobiyana ka soo bixiyaan, calankiisa in dib loogu soo celiyo oo aan aragno sidaas ayaa u sheegayaa”
Xaaska Qalbi-dhagax iyo gabadhiisaba waxaa ay baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ugu baaqeen in ay arrinkan la hadlaan, iyaga oo shacabka ku dhiirigeliyay in ay baraaruga sii wadaan.