Xaflad ay xilka kula kala wareegayaan Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadiisa kalsoonida weysay C/weli Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee shalay baarlamaanku kalsoonida siiyay Cumar C/rashiid Cali ayaa hadda ka socota xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Xafladda oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan xubnihii golaha wasiirada ee hore ayaa goobta xil wareejinta waxay noqotay meel camiran oo si aan hore loo arag loo buux dhaafiyay, iyadoo xubnaha qaarkood hoolkii shirarka ku yaraaday, waxaana sidoo kale ku sugan xafladda shaqaalihii xafiiska Ra’iisal wasaaraha gebi ahaantood iyo saxafiyiin tiro badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaflada goobjoog ka ah, waxaana khudbad uu jeediyay Ra’iisal wasaaraha xilka baneynaya uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Cumar C/rashiid, kuna wareejiyo xil culus, “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta arko dad badan oo aan is arki jirin oo madaxweynaha ku jiro” ayuu kaftan ahaan u yiri C/weli oo si cad u sheegay inuusan ka baxeynin siyaasadda. “Anigu ka bixi maayo siyaasadda waan ku jiri doonaa, lakiin dhinaca khaldan ugu jiri maayo” ayuu mar kale yiri, wuxuuna ku baaqay in gacan lagu siiyo xilka ra’iisal wasaaraha cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna khudbad uu ka jeediyay xafladda xil wareejinta ku sheegay inay dhaqan siyaasadeed dowladnimo ay tahay in xilalka dadka haya la kala bedelo, wuxuuna u mahadceliyay ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed , wuxuuna kula kaftamay “Anigu waan ku cafiyay wixii dhacay, adigase ma ogi sida aad yeeli doonto”.
Madaxweynaha wuxuu u hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee xilka la wareegaya, wuxuu kaloo hambalyo aan caadi ahayn oo yool baar ah u jeediyay wasiiradii kulanka ku sugnaa isagoo yiri: “Kuwiina wasiirada noqon doona ee is og idinkana waan idin hambalyeynayaa”.
Ra’iisal wasaaraha cusub Cumar C/rashiid ayaa isna ugu danbeyntii hadalka qaatay, wuxuuna mahad celin u jeediyay C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumadiisii howshii ay soo qabteen, isagoo balan qaaday inay halkaas ka sii anba qaadi doonaan kana mira dhalin doonaan inay dalka gaarsiiyaan hiigsiga cusub ee 2016.
Cumar C/rashiid ayaa xafiiska imaanaya markii labaad isagoo hore ra’iisal wasaare uga soo noqday, halka Ra’iisal wasaaraha sii baxaya C/weli Sheekh uu muddo sanad ka yar xilkaas hayay. Dhismaha golaha wasiirada cusub ayaa bilaabatay, waxaana howl aad u adag ay heysataa ra’iisal wasaaraha cusub si xukuumad cusub u dhiso, kadibna kalsooni uga helo Baarlamaanka.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]