Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, isagoo ugu baaqay Madaxda dalka inay dib u eegis ku sameeyaan mowqifka ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.
Xasan Sheekh oo qoraal oo dhibay baraha bulshada ayaa si weyn u taageeray dowldda Jabuuti, wuxuuna sheegay inay wax waliba u bixiyeen dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay mudan yihiin in loo hiiliyo jiritaankooda iyo dowladnimadooda.
HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XASAN SHEEKH
Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.
Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.
Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen. Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.
Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.
Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:
“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”