Xayiraadii dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Qaadka ka yimaada dalka Kenya ayaa xaalad kacsan iyo qalalaase ka dhalisay dalkaasi.
Beeraleyda Qaadka oo leh urur awood leh oo mararka qaar geysta falal dil ah ayaa bilaabay bannaanbaxyo looga soo horjeedo Qaadka la joojiyay, waxayna dowladda dalkaasi ka dalbanayaan inay degdeg xal ugu hesho arrintan.
Waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha Meru Peter Munya inuu keenay dhibaatada isagoo Soomaaliya u tegay inuu dhibaateeyo ganacsigooda. Qasaaraha maalmihii la joojiyay Qaadka ayaa sii kordhaya, waxayna Ganacsatada Qaadka Kenya ka hadlayaan inay qasaareen lacag ka badan Milyan Doolar.
Arrinan ayaa ka danbeysay markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambassador Jamaal Xasan uu saxaafadda Kenya u sheegay in sababta loo joojiyey Qaadka ay la xariirto xubnihii Kenyaanka ahaa ee tagay Somaliland iyo jawaabtii dowlada Soomaaliya ay arrintan ka bixisay.
Joojinta waqtiga kooban socota ee Qaadka ayaa dhalisay in ciriiri dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu galo dalka Kenya, waxayna tani muujineysaa awoodda dhaqaale loo adeegsan karo cadaadis siyaasadeed.
Wadani.com