Xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixisay in la aaso dadkii dhowaan ku dhintay degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qoraal uu ku saxiixnaa ku-simaha Xeer ilaaliyaha guud ee Maxamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Axmed Jiinow Xasan ayaa laanta Dambi baarista ee C.I.D-da ku amray inay Maydadka ku wareejiyaan ehelladooda si loo aaso.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo eheladda dadka dhintay ay ku adkeysanayaan inaan la aaseynin Meydadkaas inta arrintooda meel laga saarayo.
AKHRISO QORAALKA