Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo hore loogu dhaawacay weerar.
Allaha u Naxariistee xeer ilaaliye ku xigeenka Col. C/laahi Xuseen Cabdi, waxaa dhaawac culus ka soo gaaray weerar ka dhacay agagaarka isgoyska Florense, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho 26-kii Septembar, dhaawacaas oo ugu dambeyntii u geeriyooday.
Weerarkaasi ayaa lagu dilay askari ilaalo u ahaa xeer ilaaliye ku xigeenka. Waxaan sheegtay kooxda Alshabaab.
Wadani.com
http://goobjooge.com/weerar-lagu-dhaawacay-xeer-ilaaliye-ku-xigeen-ka-tirsan-maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida/