Qaar ka mida xildhibannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u dhaliilay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso doorashada maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo tiradoodu gaaraysay ilaa 15 ayaa si cad u weerarray siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ku wajahayo maamulka K/Galbeed, isagoo lacag, ciidan iyo gaadiid u diray magaalada Baydhaba, sida ay sheegeen.
Xildhibaannada ayaa si toos ah ugu eedeeyay madaxweyne Farmaajo musuqmaasuq iyo inuu lacagtii dowlada ku taageerayo shaqsiyaad uu wato, kuwaasoo uu doonayo inay madax ka noqdaan K/Galbeed, iyagoo sheegay inay la xisaabtami doonaan oo uu xilkiisa ku weyn doono arrintan.
Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay in magaalada Baydhaba ay qarka u saaran tahay dagaal ka dhaca iyo in qaab beeleed ay dadku isku dilaan markii loo diray ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka.
HOOS KA DAAWO