Xisbiyad Qarna ee Mcuaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay caawa inaysan aqoonsaneyn madaxweynenimada Muuse Biixi Cabdi oo ay maanta ugu dhammaadyuy muddo xileedkiis 5-ta sano ee la doortay.
Kulan muddo dheer qaatay kadib oo ay yeesheen Madaxda Xisbiyad Waddani iyo UCID ayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Hargeysa uga dhawaaqeen inaysan ‘Madaxweyne’ u aqoonsaneyn Muuse Biixi Cabdi, balse uu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye..
Waxay bayaanka ay soo saareen oo uu akhriyay MKusharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirrro ayey ku sheegeen inay raacsan yihiin go’aanka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee muddo sanad ah gudaheed lagu qabanayo Doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay.
Waxay ku siefeeyeen inuu Muuse Biixi yahay Madaxweyne xilkii ka dhammaaday, oo xoog ku fadhiya xilka, ahna kelitalis sharci darro ah, inta laga helayo heshiis siyaasi ah.
