Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay qoraal talo soo jeedin ahaa oo uu dhowaan diray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Jawaabta ka timid beesha caalamka oo sidoo kale loo kala diray madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ayaa lagu caddeeyay in beesha caalamka ay taageersan tahay in mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo cod bixinta kalsoonid kala noqoshada ay ka dhacdo Teendhaddii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee loo yaqaano hangarka Marina Gate ama Afisyooni.
Beesha Caalamka ayaa hore walaac uga muujisay mooshinka laga keenay Jawaari, waxayna mar labaad taageertay qoraalkii Jawaari dhowaan u diray, taasoo ay ugu wacan tahay faragelin laga cabsi qabo inay xukuumaddu ku sameyso arrinta mooshinka Jawaari.
Waxaa ammaanka xarunta Afisyoone sugi doona ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan wakiilada beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka.
Guddoomiye Jawaari ayaa saddex qodob hor dhigay kulankii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya kuwaasoo ay ka mid ahayd in ciidamada xukuumadda laga qaado Baarlamaanka ama baarlamaanka shirkiisa loo wareejiyo Teendhadii Afisyoone.