Monday, May 12, 2025

XOG CULUS: Itoobiya & Jabuuti oo la kala saftay dhinacyada isku haya loolanka siyasaadeed ee Gobollada Dhexe

Kooxda Ahlu Sunna qeybta dagaalka la gashay ciidamada dowladda ee Gobollada Dhexe dibna u qabsatay degmada Guriceel ayaa diiday si cadna uga hor timid in ciidamo ka socda Jabuuti ee Hiil-walaal la geeyo degmada Guriceel oo loo qorsheeyay inay tagaan si loo dhaqan geliyo heshiiska ay kala saxiixdeen wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka iyo kooxda Ahlu sunna ee Guriceel.

Et-ahmed

[ad name=”HTML-3″]

Ad

Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysay in ciidamada Jabuuti ay tagaan Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cadaado iyadoo ka gows heysatay ciidamada Itoobiyaanka oo si hoose u taageera xoogagga dowladda ku kacsan ee Ahlu Sunna. Waxaa mar kaliya lagu soo baraarugay iyadoo ciidamada Ahlun Sunna ee Guriceel ay hos istaageen ciidamadii Jabuutiyaanka ee ku socday Dhuusamareeb ka hor socdaalkii Ra’iisal wasaaraha iyagoo u qaatay inay Guriceel saldhig ka dhigan doonaan, waxaana xaalad halis ah oo arrintaasi ka dhalatay soo dhex gashay dowladda Itoobiya.

Kadib markii ciidamadii Jabuuti loo ogolaaday inay gudbaan Guriceel ayna gaareen Dhuusamareeb, waxaa barbar socday qorshe dib loogu dhigay socdaalkii Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku tegi lahaa Dhuusamareeb, iyadoo Itoobiya ay culeys ku saartay arrintaasi si uu wafdiga Ra’iisal wasaaraha uga mid noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Axmed C/salaan oo ka mida siyaasiyiinta geed-fadhiga u ah kooxda Ahlu Sunna ee dowladda dagaalka kula jirta. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo shirkii golahiisa wasiirada ee Khamiislaha ahaa u baajiyay safarkasi ayaa ku qasbanaaday inuu Axmed Salaan ku daro wafdigiisa.

[ad name=”HTML-4″]

- Advertisement -

Itoobiya waxay ku guuleystay inay ciidamadeeda AMISOM ka mida la wareegaan Guriceel, iyadoo ka hor istaagtay kuwii Jabuutiyaanka ahaa markii ay adeegsaday kooxda Ahlu sunna, waxaana loolanka ka socda Gobollada dhexe uu gacmaha la galay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya oo la kala safan labada dhinac, waxaase la yaab leh in safiirkii Soomaaliya ee Itoobiya ka soo jeedo dhinaca kale isagoo howshii uu qaranka u hayay kasoo tegay. Waxaa laga cabsi qabaa in ciiiamada Itoobiya sidoo kale  ay tagaan Cadaado oo shirka maamul u sameynta Gobollada dhexe ka furmi doono.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON