Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu muddo saddex maalmood iyo laba habeen ah uu ku sugnaa xarunta gobolka Galgaduud, iyadoo aan la shaacin wax horumar ah oo laga gaaray arrinta shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee la isku khilaafsanaa.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay kadib soo laabashadii madaxweynaha inay ergooyinka isku afgarteen in la dhaqaajiyo shirka lagu dhisayo dowlad goboleedka degaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya. warkan oo dadweynaha ka war sugayay natiijada booqashada madaxweynaha ay fahmi waayeen.
Odayaasha laga soo xulay beelaha shirka ka qeyb galaya ayaa wadahadallo lagu daalay oo waqti badan qaatay la yeeshay madaxweyne Xasan sheekh, waxaana la isku mari waayay arrinta ugu weyn oo ahayd in shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe lagu qabto Dhuusamareeb oo odayaasha ay go’aan ku gaareen iyo madaxweynaha oo doonayay in shirkaasi lagu qabto degmada Cadaado.
Warar xogogaal ah oo Wadani.com ka heshay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ugu danbeyn odayaasha shirka Dhuusamareeb ay ka soo dabceen mowqifkooda ayna ogolaadeen in la aado shirka Cadaado, balse ay ku xireen shuruudo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay shardi ku saabsan dhaqaalaha ku baxay intii uu socday shirka Dhuusamareeb, kaasoo qeyb ka mida uu balanqaaday madaxweynaha inay dowladu bixineyso.
Go’aanka xiritaanka shirka Dhuusamareeb oo lagu waday in lagu dhawaaqo intii aanu madaxweynaha ka soo duulin Dhuusamareeb ayaa dib loogu dhigay arrimo farsamo, waxaana arrintaasi madaxweynaha kala wareegay xubnaha ku sugan halkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad, xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi iyo ganacsato beesha gogosha leh ka soo jeeda.
[ad name=”HTML-2″]
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay muddo laba maalmood ka qaateen xubnaha uu hogaaminayo Mahad Salaad inay dhameystiraan arrimaha harsan, isagoo ka dalbaday arrimaha farsamo ee harsan degdeg lagu soo gabagabeeyo, lana soo xiro shirka Dhuusamareeb, marka uu ka soo laabto shirka Jaamacadda Carabta kadibna la furayo shirweynaha maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado.
Lama oga inuu fuli doono heshiiska madaxweynaha la galay reer Dhuusamareeb iyadoo la filayo inay halkaasi tagaan xubno gacansaar la leh Itoobiya oo ka horjeeda qorshaha madaxweynaha Soomaaliya oo uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Axmed C/salaan Aadan.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]