Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo xildhibaanada baarlamaanka Federaalka oo uu beel beel u qaabilayo si uu taageero uga helo xukuumadda uu dhisayo oo hadda gabagabo ku dhow markii isbedel lagu sameeyay 20-kii wasiir ee ugu danbeeyay.
Arrintan oo bilaabatay shalay ayaa weli socota, waxaana xafiiska Ra’iisal wasaaraha laga dareemayaa mashquul ay ku keeneen xildhibaannada badan ee qaabilaadda u jooga. Saaka wuxuu Ra’iisal wasaaraha qaabilay xildhibaanada beesha Hawiye isagoo kala hadlay xaaladda dalku marayo sida dib u dhac weyn ugu yimid howlihii dowladnimo, taasoo walaac badan ku heysa beesha caalamka. Ra’iisal wasaaraha wuxuu ka cabtay culeys weyn oo dhinaca beesha caalamka uga imaanaya isaga iyo madaxweynaha oo ah inay ku dhaqsadaan dhismaha xukuumadda, wuxuuna dalbaday xildhibaannada inay taageeraan xukuumadda cusub oo uu soo dhisi doono.
[ad name=”HTML-2″]
Xildhibaan shirarka Ra’iisal wasaaraha ka qeyb galay ayaa Wadani.com u sheegay in qaabka loo abaabulay shirarkaasi ay ahaayeen masraxiyad bandhig oo kale ah oo aan looga dan lahayn wadatashi iyo kalsooni u raadin xukuumad midna; wuxuuna taas sabab uga dhigay in kulamada Ra’iisal wasaaraha la yeelanayo xildhibaanada Beelaha ay ka soo qeyb galeen wasiirada beel waliba ka magacaaban ee la mida 20-kii wasiir ee ugu danbeeyay.
Arrintan waxay keentay inay shirarkaasi noqdaan kuwo mujaamalo ah iyadoo xildhibaanadii jago doonka ahaa ay ku hungoobeen inay ka hadlaan meel ay ku sugan yihiin wasiiro magacaaban oo qaarkood ay booskooda doonayaan.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa labadii habeen oo ugu danbeeyay ka shaqeynayay buuxinta iyo kala bedelka Golaha wasiirada cusub, waxaana lagu wadaa marka kulamada Ra’iisal wasaaruhu la yeelanayo xildhibaanada beelaha ay soo idlaadaan in lagu dhawaaqo xukuumadda cusub oo noqoneysa markii saddexaad.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]