Iyadoo ololaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed uu sii xoogeysanayo ayaa la xaqiijiyey inuu ku biiray guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in doorashadan oo noqon doonta mid adag oo aan waxba la iskula harin ay madaxda dowladda Federaalka awoodooda isugu geynayaan sidii meesha looga saari lahaa Shariif Xasan, taasoo haddii ay suuragasho guul siyaasadeed u noqon doonta dowladda federaalka ee halganka ay kula jirto Maamul Goboleedyada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan ugu yeeray magaalada Muqdisho xubno ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed oo tiradoodu lagu sheegay ila 20 xildhibaan, iyadoo kulankaasi uu qeyb ka ahaa ololaha doorashada ee loogu jiro xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna kala hadlay taageerada musharaxa uu taageersan yahay.
Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu tegi doono magaalada Baydhaba, halkaasoo maalmaha soo socda la sheegay inuu ka dhici doono dagaalkii ugu weynaa ee loo galo olole lagu dooranayo madaxweyne maamul Goboleed.
Dowladda Federaalka ayaa taageereysa musharax wasiir C/casiis Lafta-gareen, waxaana doorashada oo lagu wado inay dhacdo 17-ka bishan Novemrber si weyn looga cabsi qabaa in Shariif Xasan adeegsado farsamooyin keena in dib loo doorto ama muran ka dhasho.