Iyadoo toddobaadkii saddexaad uu galay dadaalka lagu raadinayo qofka loo magacaabayo xilka Ra’iisal wasaaraha dalka ayuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo arrintan ka qeyb geliyey Guddoonka Golaha Shacabka.
Sida ay sheegeyso xogta ay heshay Wadani.net Madaxweyne Farmaajo ayaa liiska musharixiinta u taagan xilkan u dhiibay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey, isgoo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan soo xulista qofkii uu u magacaabi lahaa xilka Ra’iisal wasaaraha cusub.
Arrintan oo aan hor u dhicin maadaama magaaabidda Ra’iisal wasaaraha ay tahay mid uu dastuuri ahaan leeyahay Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan inuu Madaxweyne Farmaajo arrintan uga gol leeyahay laba arrimood oo kala ah; inuu waqtiga magacaabista sii dheereeyo si loo meel mariyo qorshooyinka u yaalla iyo in guddoonka Baarlamaanka ay difaacaan Ra’iisal wasaaraha cusub, ayna marsiiyaan Golaha Shacabka marka kalsoonida la siinayo.
Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku- xigeenka koowaad ayaa si weyn ugu ololeynaya muddo kororsi iyo Doorasho qof iyo cod ah, iyado isbaheysi la leh madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay in la rido xukuumadii Xasan Cali Kheyre.

Musharixiin badan oo u taagan xilka Ra’iisal wasaraha ayaa wareysiyo lala yeeshay, waxaana soo shaac baxan magacyo fara badan oo xilkan loo saadaalinayo, iyadoo la wada sugayo qofka uu noqon doono Ra’iisal wasaaraha xilliga kala guurka.