Ololihii muddooyinkan danbe ka socday magaalada Muqdisho ee lagu saxiixayay Mooshin xil ka qaadis madaxweyne Farmaajo ayaa loo waayay xildhibaanno kooram dhan si loo geeyo kalfadhiga labaad ee maanta soo xirmaya.
Kooxda Damjadiid ee la baxday Qabyo iyo siyaasiyiin uu hormuud u yahay C/raxmaan C/shakuur ayaa dadaal aan kala go’ lahayn ugu jiray inay Mooshinka “impeachment” ee madaxweyne Farmaajo ay geeyaan Golaha Baarlamaanka inta aanu xirmin kalfadhiga labaad, iyagoo dhaqaale ku bixiyay mooshinkaasi, balse ugu danbeyn ay ku fashilmeen.
Xildhibaabadii hore u saxiixay ayaa qaarkood dib uga laabtay, waxaana dhibaato kooxdan ku noqotay inay helaan saxiixyo cusub, iyadoo si weyn ay qorshahan uga hor yimaadeen ururrada bulshada sida culimada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin hore oo fara badan.
Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa in la soo xiro, taasoo ka dhigan in ololihii mooshinka ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo uu kala dhantaalmay, iyadoo muddo laba bilood ah oo fasax lagu maqan yahay ay wax kasta dhici karaan, waxaana natiijo la’aan ku soo gabgaboobay dadaal iyo dhaqaale la geliyay mooshinkan.
kalfadhiga saddexad ee Baarlamaanka oo furmaya bartama Febraayo ayaa ku soo beegmaya sanadguurada koowaad ee doorashadii Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo shaqo adag ay sugeyso kooxaha ku midoobay qorshahan.