Waxaa Maxkamad yaalla kiis ku saabsan musuq ka dhacay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo loo xiray Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaaradda oo loo magacaabo Daahir Maxamed Nuur.
Kiiskan ayaa ku wareegaya lacag gaareysa 47,400 doolar oo wasaaradda laga musuqmaasuqay oo si sharci darro ah looga bixiney xisaabta wasaaradda, waxaana isla maamulay agaasime waaxeedka iyo xoghayihii hore ee Wasaaradda Maxamed Cumar Macalin (Wayaki).
Barnaamijkii Galka Baarista ee VOA ayaa baaritaan ku sameeyay kiiskan oo ay ka qeyb qaadayaan dadka uu quseeyo marka laga reebo agaasimaha xiran ee dacwadda loo heysto Daahir Maxamed Nuur.
HOOS KA DHAGHEYSO BARNAAJIMKA