Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»XOG: Shirar Xasaasi ah oo dhex maray Gudoomiye ku xigeenada Baarlamanka, Farmaajo, Muudey & Kheyre

    XOG: Shirar Xasaasi ah oo dhex maray Gudoomiye ku xigeenada Baarlamanka, Farmaajo, Muudey & Kheyre

    December 8, 2018Updated:December 9, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirar is dabajoog ah ayaa galabta iyo caawa ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kadib go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ka qaatay Guddiga Maaliyadda.

    Kulanka hore ayaa dhex maray Guddoomiye ku xigeenada iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana looga hadlay sida loo wajahayo xaaladda ay dhalisay qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaaba kulanka oo saacado qaatay la sheegay in labada dhinac ay isla meel dhigeen qorshe lagu go’doominayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

    Wararka ayaa sheegaya in kulan kale uu caawa dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo labada guddoomiye ku xigeen, iyadoo kulankaasi ay saddex mas’uul ee ugu sareysa guddoonka uga hadleen xaaladda ka dhex taagan, kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee Guddoomiye Mursal ku jebiyey qoraal uu hore u soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo kala diray Guddiga Maaliyadda.

    Xogta laga helayo ilo ku dhow xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya inuu ku adkeystay mowqifkiisa ah inay sii shaqeeyaan Guddiga Maaliyadda, iyadoo arrinta ugu weyn ee looga dooday kulanka Guddoonka Baarlamaanka uu ahaa sababta uu ula tashan waayey ku xigeenada oo uu keligii u goostay inuu qoraal soo saaro, kaasoo lidi ku ah go’aankoodii hore.

    Ma jiro wax heshiis ah oo ay gaareen Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah iyo labadiisa ku xigeen oo dhinac kale kasoo jeeda, waxayna wararku sheegayaan inay lagu kala tegay, ayna labada  ku  xigeen ee C./weli Muudey iyo Mahad Cawad ay wadaan la-tashiyada madaxda sare, kadibna ay labadooda go’aan soo saari doonaan.

    Guddoomiye Mursal ayaa u muuqda inuu qaatay dagaal uu la galo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaase ka horeeya labadiisa ku xigeen, iyadoo laga cabsi qabo in guddoonka Baarlamaanku kala qeybsamo.

    Baarlamaanka Farmajo Guddoonka Mursal Muudey Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha Xisbiga JDP oo soo dhoweeyay Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamanka
    Next Article Koox hubeysan oo Nin Ganacsade ahaa toogasho ku dishay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo