Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Sidee Farmaajo kula wareegay Kursigii Jufada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee Aqalka Sare?

    XOG: Sidee Farmaajo kula wareegay Kursigii Jufada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee Aqalka Sare?

    November 10, 2021Updated:December 3, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Olole siyaasadeed iyo loolan muddo soo socday ayaa soo gabgaboobay, kadib markii Jufo ka tirsan Beesha Mareexaan ay dib u hantisay Kursi ay hore Jufo kale uga qaadatay, balse musharaxa kursigaasi waxaa la wareegay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Arintan waxay salka ku heysay loolan u dhaxeeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Cali Daahir Ciid, kuna saabsanaa in jufada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ay dib u soo ceshato kursi Golaha shacabka oo laga boobay, kaasoo uu xilligan ku fadhiyey xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mida la-taliyeyaasha ugu dhow Farmaajo.

    Cali Daahir Ciid wuxuu ku fashilmay inuu kursigii Golaha shacabka u soo celiyo Jufadiisa, balse taas bedelkeed wuxuu soo dhiciyey, kuna guuleystgay Kursi ka tirsan Aqalka sare, iyadoo uu Farmaajo qorsheeyay in meesha laga saaro Senator C/waaxid Cilmi Goonjeex, halkii uu weyn lahaa C/shakuur Mire.

    Loolan labaad oo ahaa cidda kusoo baxeysa kursiga Aqalka Sare ayaa mar kale ka dhex bilowday Farmaajo iyo Cali Ciid, waxaana kursiga la wareegay oo musharax la yimid Farmaajo, kadib markii uu gacan weyn ka helay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

    Liiskii uu xalay soo saaray Qoorqoor waxaa kursigan la siiyey musharax Cabdi Cusmaan Xareed oo Farmaajo uu keensaday (Kaasoo kusoo baxay Kursiga) , waxaana sidaasi macnihii kursiga looga qaatay madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo musharax ahaan u watay C/weli Ibraahim Garyare oo ka tirsan mucaaradka.

    Farmaajo wuxuu sidaa ku heystaa laba guul oo ah inuu difaacay kursiga la-taliyihiisa C/shakuur Cali Mire, dhinaca kalena uu musharax taageersan geystay Kursigii C/weli Goonjeex oo lagu xaliyey Jufada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

    Cali Daahir Ciid wuxuu heysta hal guul oo ah inuu jufadiisa u soo dhiciyey kursi Baarlamaan, haba ahaado Aqalka Sare, balse wuxuu haleeli waayey inuu aayaha kursiga tolkiisa ka taliyo, iyadoo ay kala wareegtay madaxtooyada Soomaaliya.

    Axmed Qoorqoor Cali Dahir Ciid Doorashada Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Cabdi Qeybdiid loo xiray Kursigii Aqalka Sare (Sidee loo qanciyey Axmed Ducaale Xaaf?)
    Next Article Mooto uu leeyahay Sarkaal oo dhalisay dilka 2 Askari iyo tuhun dhex galay madaxda degmada Wadajir

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo