Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan sidii ay ugu suuragashay is-miidaamiyihii isku qarxiyay isgoyska Soope inuu Gaari weyn oo lagu soo dhaamiyay waxybaaho qarxa uga soo gudbay koontaroollada Ciidamada dowladda fadhiyaan.
Gaarigan oo la xaqiijiyay inuu ka yimid Gobolka Shabeelada Hoose ayaa soo gudbay ugu yaraan laba koontarool oo loogu talo galay in lagu baaro, laguna hubiyo Gaadiidka maraya, kuwaasoo uu gaarigan dhaafay, isagoo geystay qasaarihii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 qof.
KOONTAROOLKA SIINKA DHEER
Koontaroolka Siinka dheer oo ah kan ugu muhiimsan ee lagu hubiyo Gaadiidka gelaya magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in gaariga laga soo fasaxay, kadib markii sarkaalkii ku qornaa goobtaasi uu telefoon kula hadlay qof uu ku kalsoon yahay oo damiintay gaariga, wuxuuna sidaasi looga dhaafay baaritaankii lagu sameyn lahaa.
ISBAARADA CIIDAMADA EE ISGOYSKA BANAADIR
Koontaroolka labaad oo ahaa Isgoyska Banaadir oo aan ka fogeyn goobta qaraxa ka dhacay ayaa gaariga lagu joojiyay, waxaana lagu amray inuu baarkimo siĀ loo eego, laakiin waxaa dhacay in darawalkii Gaariga uu si xoog leh u sii watay gaariga, isagoo jiiray gaadiid iyo mootooyin u dhowaa, isagoo yimid goobta uu isku qarxiyay ee Isgoyska Soope.
Caamerada CCTV ayaa muujisay gaariga weyn oo baxsad ah. isla markaana jiiraya baabuur iyo Mootooyin, inkastoo aan la hubin in ciidamada ay rasaaseeyeen ama isku dayeen inay la tacaalaan.
QARAXA KADIB
Hay’adaha ammaanka ayaa qaraxa kadib xabsiga dhigay ciidamadii ilaalada ka ahaa Siinka Dheer, ninkii damiintay Gaariga iyo ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka mid noqday baaritaanka kiiskan.
Qaabka baaritaanka baabuurta ka timaada duleedka Muqdisho oo Alshabaab ku xooggan yihiin ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee amni, waxaana baaritaanadaasi ay ku koobmeen in gaadiidka loo yeelo qof damiin ah, iyadoo aan wax baaritaan ah lagu sameyn, taasoo khaladkeeda uu hadda galaaftay 700 qof oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Hay’adda ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa war ku saabsan halka uu marayo baaritaanka qaraxii ka dhacay Isgoyska Soope.
Wadani