Iyadoo magaalada Baydhaba ay ka socoto diyaar garowga caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Maamulka K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa soo baxaya inay qaadaceen wakiilada beesha caalamka.
Muran ka dhashay doorashada iyo kaalintii ay ku lahayd dowladda Federaalka oo faragelin ku sameysay ayaa qeyb ka ahayd go’aankii ay dowladda Somalia ku eriday wakiilkii Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom, waxayna wararku sheegayaan in wakiilada beesha caalamka ay qaadaceen ka qeyb galka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha K/Galbeed, marka laga reebo IGAD.
Dhinaca kale madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaan intooda badan ka qeyb galeynin xafladaasi, waxaana ka mida madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, iyadoo la filayo inuu kaliya tago madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo heshiis kula jira xukuumadda Soomaaliya, waxaa kaloo la la filayaa wafdi ka socda Puntland.
Waxaa lagu wadaa inay Baydhaba u tagaan caleemo saarka madaxweyne Lafta-gareen madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo magalada Baydhaba la geeyay ciidamada ilaalada madaxtooyada. Waxaana xafladda caleemo saarka ay dhici doontaa Berri oo ku beegan 16-ka Janaayo 2019.