Waxaa socda dadaal ay wadaan wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka, kaasoo la isugu keenayo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Wararka ayaa sheegaya in James Swan iyo Donald Yamamoto ay faragelin arrintan, iyagoo labada dhinac culeys ku saaray inay kulmaan oo ay heshiis ka gaaraan arrimaha dhex yaalla, waxaana la sheegay inay laba dhinacba diideen markii hore balse ay ogolaadeen markii dowladda Mareykanka ay culeys ku saartay.
Waxaa la filayaa in kulanka ugu horeeyay uu maanta gelinta danbe dhex maro, kaasoo ka dhici doona xarunta Afisyoone oo amnigeeda ay la wareegayaan AMISOM, kadib markii shalay ay tageen ciidamo badan oo ah kuwa Koofiyad Casta ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
UN-ka iyo Mareykanka ayaa doonaya in kulanka Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe lagu yareeyo heerka ay gaartay xiisadda u dhaxeysa labada dhinac, si loo bilaabo wadahadallo aan toos ahayn oo loogu gogolxaaro shirka weyn.