Dagaalkii ka dhashay xajka sanadkan ayaa gabagabo ku dhow kadib markii dowladda Somalia iyo Ganacsade ahna xildhibaan Siciid Nuur Giriish ay isku qabteen leynka xajka, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan xajkii Soomaalida ee sanadkan inuu baaqdo.
Wafdi ugu danbeeyay ee xukuumadda Soomaaliya u dirtay Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen qorshihii xukuumadda ee ahaa inay iyadu maamusho xajka oo ay kala wareegtay shirkadii Jubba Airways oo uu lahaa Ganacsade Siciid Nuur Giriish.
Sacuudiga ayaa dalbaday in qoraal rasmi ah uu soo diro Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la soo xiriiray Xasan Cali Kheyre, waxayna u caddeeyeen inay ku wareereen qoraallada faraha badan ee uga yimid wasaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.
Dadaalkii loogu jiray in shirkado kale ay ka qeyb qaataan daabulka Xujeyda sanadkan ayaa rajadiisu soo dhammaatay, kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee Freedom Airline, Ocean Airlines iyo East Africa ayay u suurageli weyday inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay diyaaradaha xujeyda geeya Sacuudiga.
Shirkadda Jubba Airways ayaa qaaday Baasabooradii xujeyda si ay fiisooyin loogu soo saaro, waxaana lagu wadaa inay dhowaan shirkadda Daallo ay iyaduna qaado Baasaboorada, waxayna sanadkan u muuqataa inay labadaasi shirkadood ku ekaan doonto qaadista xujeyda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadka dambe rajo ka qabta inay gebi ahaan la wareegto arrimaha xajka, waxaan dagaalkii xajka ee dowladda iyo xildhibaan Siciid Nuur Giriish sanadkan ku dhammaadaya iyadoo ay guushu raacday Ganacsadaha, balse uu noqon doono sanadkii ugu danbeeyay ee macaashka uu ka heli jiray muddo 20 sano ah.