Waxaa sii xoogeysanaya falalka ku taker-falka awoodda dowladda iyo musuqmaasuq ay ku kaceen wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta xilligii kala guurka, iyagoo ka faa’iideysanaya xaaladdu dalku ku jiray.
Ra’iisal wasaare Rooble Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii maanta ka joojiyey Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda xilgaarsiinta Cabdi-saciid Muuse Cali oo lagu eedeeyay inuu fasax siiyey Markab Dhuxul sharci darro ah ka qaaday Soomaaliya oo ku xayirnaa Dekadda Sallaala ee dalka Cumaan.
Maxkamad ku taalla magaalada Sallaala ee dalka Cumaan ayaa sii amartay in lasii daayo markanka iyo shaqaalaha la socday, kadib markii ay heshay qoraalka wasaaradda Arimaha dibadda ee keenay in shaqada laga joojiyo wasiir Cabdi-Saciid.
Wasiir Cabdi-saciid ayaa ahaa saaxiib aad ugu dhow madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna xilka yimid, xilli kala guur ah oo taagnaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isagoo hore u ahaa la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo.
Arrintan ayaa noqon karta kiis lagu dacweeyo saaxiibka Farmaajo, waxaana hore sidoo kale musuq loogu eedeeyay wasiirkii Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed oo heshisi la galay shirkad Mareykan ah oo uu saxiixay heshiis shidaal baaris oo halis ah, kiiskaas oo baaritaankiisu weli ay gacanta ku heyso xeer ilaalinta.
Wasiir C/rashiid ayaa hore u caddeeyay inuu heshiiska uu saxiixay kala shaqeeyay Farmaajo, isla markaana uu la ogaa arrintaasi, taasoo Farmaajo uu dafiray.
Su’aasha dhalatay ayaa ah sababta uu Ra’iisal wasaare Rooble shaqada uga joojin waayey Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed oo kiiskiisu baaritaan ku socdo, iyadoo sidoo kale aan shaqo joojin lagu sameyn wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga oo ay kusoo baxeen kiisas musuq ah, sida uu caddeeyay Hanti dhowrka guud.
