Wararka laga helayo xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegaya inay xaalad cusub kusoo korortay xiriirka guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xogta la helay ayaa sheegaysa in labada guddoon oo hore si niyad wanaag ah u midoobay, kana wada shaqeynayay xaaladda kala guurka ah ee dalka uu isbedel ku yimid arrintaasi markii Aqalka sare uu dib ula noqday wada-shaqeyntaasi, iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu kulan isugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaciisa isna isugu yeeray xalay saqdii dhex kulan ay yeeshaan Guddiga Joogtada ah ee golahaasi, waxaana laba dhinac u socda maanta kulamo is barbar yaalla oo looga arrinsanayo furitaanka kalfadhiyada labada Aqal iyo ajendoonyinka looga hadlayo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa khudbadii uu dhowaan ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad si cad ugu sheegay in Doorasho dalka ka dhacda ay lagama maarmaan tahay in Maamul Goboleedyada ay qeyb ka noqdaan, halka Guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh aanu mowqifkiisa caddeyn.

Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa goor dhow soo dhammaaday, iyadoo uu weli socda shirka Aqalka sare Guddigiisa joogtada ah, waxaana la filayaa inay go’aano kasoo baxaan labada Guddi.
Is-fahamkii labada guddoon ee labada Aqal ee ku saabsanaa in kulamadooda ay mar kaliya qabsoomaan, si wadajir ahna u wada ansixiyaan xeerarka dhammeystirka Doorashada iyo arrimaha la xiriira ayaa hadda meesha ka baxaya, waxayna arrinta dib ugu laabaneysaa sidii sharciga ahayd ee labada Aqal u kala shiri jireen, taasoo awood dheeraad ah siineysa Aqalka Sare.