Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Xildhibaano & Agaasimeyaal kusoo biiray tartanka loogu jiro Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir

    XOG: Xildhibaano & Agaasimeyaal kusoo biiray tartanka loogu jiro Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir

    August 12, 2019Updated:August 12, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa sii kordhaya tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu dhowaan ka geeriyooday Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), iyadoo ay hadda ku soo biireen agaasimeyaal xilal ka haya dowladda iyo xildhibaanno ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Xilkan oo ah kan kaliya ee uu toos u magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay in Gobolka Banaadir aysan lahayn Gole degaan iyo qaab kale oo ay dadka degan ku doortan madaxdooda ayaa keentay in xilalka sare ee maamulka Lagu soo xulo rabitaanka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha markaasi xilka haya.

    Hore waxaanu u shaacinay xubno kala duwan oo xilkan u sharxan ayna kala wataan siyaasiyiin kala duwan oo galaangal ku leh madaxda sare [HALKAN KA AKHRISO], laakiin waxaa raadinta xilkan kusoo biiray xildhibaan iyo agaasimeyaal doonaya in loo magacaabo, iyadoo sii adkeysay loolanka loogu jiro guddoomiyaha G/Banadir oo ah xil muhiim ah oo lagu xisaabtamo marka ay timaado jago ahaan iyo dhaqaale ahaan. Xubnaha cusub ee xilkan u xusul duubaya waxaa ka mida:

    • AKHRISO: Musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha G/Banadir & Madaxweynaha oo bilaabay..

    1- Agaasime Cali Gacal Gaabow

    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada, wuxuu ka mid yahay xubnaha doonaya in xilkan loo magacaabo, wuxuuna taageero ka heystaa agaasimeyaal kale oo dowladda ku jira iyo shaqsiyaad siyaasiyiin iyo xildhibaanno ah, isagoo ku beel ah guddoomiyihii geeriyooday. Waa nin maamul dowladeed soo maray oo qaban kara xilkan, laakiin waxaa aad u yar taageerada uu ka heli karo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

    2- Xildhibaan C/qaadir Carrabow Ibraahim

    Xildhibaankan oo ka mida kuwa ugu da’da yar Baarlamaanka ayaa hore u soo ahaa xubin ka tirsan NISA, waxayna dadka qaarkii ku eedeeyeen inuu ololaha xilkan galay xilli hore oo aan munaasib ahayn, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu ololihiisa u sheegtay madaxda sare, isagoo ka mida xubnaha taageera madaxweyne Farmaajo, waxaase caqabad ku noqon doona xilka uu hayo iyo isagoon taageero weyn ka heysan siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo.

    3- Cabdi Jiinow Calasow

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Dhexe iyo maareyihii Dekadda Muqdisho oo dowladii hore ay u magacawday xilka Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga,  ayaa ka mid noqday xubnaha ololaha ugu jira xilkan, waxaana sida caadadda ah ku taageersan la-taliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale, waana nin mar waliba u sharxan xil kasta oo bannaanaada, laakiin rajadiisa ayaa ah mid aad u hooseysa, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beelaha.

    XUBNAHA KALE EE OLOLAHA UGU JIRA XILKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR HOOS KA AKHRISO

    AKHRISO: Musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha G/Banadir & Madaxweynaha oo bilaabay..
    Cabdi Jiinow Calasow Cali Gacal Gaabow G//Banaadir Geerida Yariisow Top Xildhibaan Carrabow Xilka Guddoomiyaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax ka dhacay Magaalada Boosaaso & Qasaare ka dhashay.
    Next Article Nin Kenyan ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso & War laga soo saaray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo