Xoghayihii hore ee joogtada Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa maanta xilkii ku wareejiyay xoghayaha kusimaha ah ee la magacaabay.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa shaqo ka joojin uu muran weyn ka dhashay shaqadii uga joojiyay xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Yaxye Cali Hareeri 22-kii bishan, waxaana markii dambe madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ogoleysiiyeen inuu aqbalo iyadoo xil kale loo ballanqaaday.
Kusimaha cusub C/llaahi Maxamuud Xassan ayaa isna sheegay in uu si hufan xilka u sii wadi doono iyadoo xil wareejinta ay ka qeyb galeen shaqaalaha waaxygha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.