Xubnaha Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qaadacay kulan is doorasho ah oo uu qabanqaabiyey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Afartan xubnood ee uu magacaabay Cabdi Xaashi ayaa looga yeeray xafiiska Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna ku amray inay ka qeyb galaan doorashada Berri la qorsheeyay inay ka dhacdo Xarunta Afisyoone ee Guddiga Doorashada Somaliland, isagoo ugu hanjabay inuu guddiga ka saari doono haddii aanay ka qeybgelin doorashada, arrintaas oo uu si adag uga hor yimid Cabdi Xaashi.
Khilaafka u dhaxeeya labada garab siyaasadeed ee Dirta Waqooyi (Somaliland) ayaa muuqaal cusub yeeshay, kadib markii uu Ra’iisal wasaare Rooble hadda la saftay dhinaca uu hoggaamiyo ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed, isla markaana diiday talooyinkii hore dhinaca kale ugu soo jeediyeen.
Rooble ayaa ku adkeysanaya inay Berri dhaceyso Doorashada Guddiga Somaliland, wuxuuna xafiiskiisa isugu yeeray inay ka qeyb galaan saxaafadda iyo wakiilada korjoograda ah, laakiin waxaa muuqata inay kaliya haddiiba doorashadasi dhacdo iany is dooran doonaan xubnaha ay soo magacaabeen Mahdi Guuleed iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Afar ka mida Xubnahan ee uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka qeybgalka Doorashada ku xiray inay is doortaan 8-da xubnood ee ka yimid labada dhinac oo ay banaanka ka joogaan xubnaha Rooble magacaabay iyo in xala laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.
