Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Xukuumadda oo soo saartay Amarro cusub ee faafidda Covid-19 (Goobaha Waxbarashada oo la xiray..)

    Xukuumadda oo soo saartay Amarro cusub ee faafidda Covid-19 (Goobaha Waxbarashada oo la xiray..)

    March 2, 2021Updated:March 2, 20214 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19.

    Markii uu dib u eegis Ku sameeyey go’aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19:

    Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda:

    XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA:

    XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA:

    • Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo.

    • Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah.

    • Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021.

    • Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021.

    • Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada.

    . Waxa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto.

    • Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga.

    • Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah:
    1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir
    2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask

    • Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021.

    • Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka.

    • Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19.

    • Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha.

    . Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir.

    DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA

    • Qof walba oo imaanaya ama ka’dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

    • Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin.

    • Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah.

    • Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

    • Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka.

    • Arimaha la’ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka.

    • Dhamaan Hay’addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19

    . Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka.


    COVID-19 Cudurka COVID-19 xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaad ka taqaan xubnaha Guddiga loo magacaabay Baarista Dhacdooyinkii 19-ka Febraayo? (Warbixin)
    Next Article Axmed Madoobe oo Hal shardi ku xiray ka qeyb galka Shirka looga hadlayo Heshiiska Doorashada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo