Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka ka taagan arrimaha xajka, iyadoo sheegtay in lagu socon doono qorshihii ahaa inay 5 shirkadood qaadaan xujeyda, lacagtana laga qaadanaya ay noqoto $3300.
Wasiiru dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo sii haya xilka wasiirka C/xakiin Xasan Ibraahim oo ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay inuu mas’uuliyiinta Xajka ee Sacuudiga kala hadlay safarka Xujeyda Soomaalida ku tegayaan dhulka barakeysan iyo sidii ay u heli lahaayeen iyo adeegyada kale ee xajka.
Wuxuu intaas ku daray inay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha iyadoo maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, kadibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.
Wasiiru dowlaha diinta iyo awqaafta iyo wafdi la socda oo Sacuudiga tegay Arbacadii ayaa sheegay inay jiraan shuruudo laga rabo diyaaradaha xujeyda qaadaya, ayna jirto rajo ah in arrimahan ay dhammaadaan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday ee ku saabsanaa in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, iyadoo qofkii xajinaya sanadkan laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka markii hore laga qaadi jiray Qofkii 3850, Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar).
Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu muran hareeyay xajka sanadkan, iyadoo shirkadaha Jubba iyo Daallo ay horeba lacago ka badan $3850 uga qaadeen xujey kumanaan ah oo u socda xajka,halka shirkado saddex ah oo xukuumada ay wadato ay la’ yihiin fasax ay ka helaan Sacuudiga.