Guddiga Doorashada heer federaal ayaa soo saaray Shuruudaha laga rabo musharixiinta kuraaska Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Awoodda sharixidda Senatoorada Aqalka sare waxaa leh Madaxda Dowlad Goboleeydada, iyadoo kursi kasta laga rabo inay u sharxaan ugu yaraan labo musharax, marka ay buuxiyaan shuruudaha loo dhigay
Kadib waxaa Waraaqaga musharixiinta Aqalka Sare loo gudbinayaa Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed, waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ka hubinaya shuruudaha musharaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee 30%.
SHURUUDAHA MUSHARIXIINTA AQALKA SARE WAXAY KALA YIHIIN:
Inuu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Dhimirkiisu dhan yahay
Da’diisu ka yarayn 25 sano
Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
Uu leeyahay ugu yaraan Aqoon Dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.
In uu haysto waraaqdda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federaal.
Inuu bixiyaa lacagta diiwan-gelinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.
a) Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan Kun oo dollar) musharaxiinta raga iyo $10,000 (toban Kun oo dollar) musharaxiinta haweenka.
b) Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo.