Wararka laga helayo degmada Baraawe ayaa sheegaya in saaka qaraxyo waaweyn laga maqlay xarunta ciidamada AMISOM ee degmadaasi.
War kasoo baxay Alshabaab lagu sheegay inay weerar loo adeegsaday laba Gaari oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ayna wadaan is-miidaamiyeyaal lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Baraawe iyadoo qasaare weyn ay gaarsiiyeen ciidamada AMISOM.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxyo culus laga maqlay magaalada, kadibna rasaas xoog leh ay xigtay. Ma jiro war ka soo baxay AMISOM iyo ciidamada dowladda ee ku sugan Baraawe.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerarka ku qaadeen Garoonka cusub ee degmada Baraawe, waxaana jawaabka bixiyey ciidamada AMISOM.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Alshabaab qaado maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan oo caadiyan ay kordhiso weerarrada ay dalka ka geysato.
HOOS KA AKHRI FAAHFAAHINTA