Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya fadhi ka mida kalfadhiga afraad ee Baarlamaanka, iyadoo looga doodayo amniga caasimadda Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka maanta oo Isniin ah, iyadoo ajenduhu xaaladda Amniga Muqdisho ee faraha kasii baxaya. Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Guddiga joogtada Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho.
Arrimaha ugu waaweyn ee qaar ka mida xildhibaannada wadaan in doodda amniga caasimadda lagu soo daro ayaa waxaa ka mida: dayacnaanta ka jirta xarumaha degmooyinka iyo kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo oo dhibaato xoog leh lagu qabo.
Baarlamaanka ayaa la filayaa inay u yeeraan wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, waxaa kaloo la filayaa in loo yeero taliyeyaasha ciidamada, halka xildhibanno kale ay doonayaan in loo yeero wasiirka Arrimaha dibadda.
Arrintan aya ku soo beegantay iyado habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miino xoog badan oo su’aalo badan dhalisay.