Waxaa saaka oo Jimce dib loo furay wadooyinka caasimadda Muqdisho oo muddo laba maalmood iyo saacado ah u xirnaa imaanshaha iyo joogitaanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaacii Cumar Geelle.
Ciidamada dowladda ayaa gebi ahaan magaalada galiyey Bandow lagu joojiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo meelaha qaar la joojiyay socodka dadka, taasoo magaalada ka dhigtay mid aan wa dhaqdhaqaaq ah lahayn, gebi ahaan ganacsigii iyo shaqooyinkiina ay istaageen.
Inkastoo socdaalka madaxda loo xeri jiray wadooyin waaweyn ee Muqdisho, haddana wuxuu midkan uga duwanaa, iyadoo waqtigu dheeraa, isla markaana aan shacabka hore loogu sii digin, waxaana dhibaatada ugu badan ay gaartay dadka noloshooda ku xiran tahay shaqo maalmeedka ee danyarta ah.
Joogitaanka Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho waxay dad badan u ahayd dhibaato dareensiisay in dowladoodu aysan wax dan ah ka lahayn noloshooda, balse ay xaalad kasta oo amni ku wajaheyso inay culeys kale kusii kordhiso.
Labadii maalmood ee Muqdisho loo xiray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa dadweynaha caasimadda kasoo gaaray qasaare baaxad oo ganacsi, waxaana uga lumay waqti iyo hanti badan, tiiyoo ay u dheer tahay inaan la siin wax garowshiyo ah.
Nidaamka Amniga hay’adaha dowladda Federaalka ee Muqdisho oo aan waxba iska bedelin, horumarna laga gaarin ilaa dowladii C/llaahi Yuusuf, wuxuuna salka ku hayaa in wadooyinka dadka laga xiro saacado ilaa maalmo si loo sugo amniga madax dalka imaaneysa iyo kuwa dowladda oo socdaalaya ama xaflado ka qeyb galaya.
Siyaasiyiin aan badneyn ayaa codkooda ku biiriyey ka hadalka dhibaatada lagu hayo shacabka Muqdisho ee xuquuqdoodii ugu danbeysay ee isu socodka ku weynaya mar kasta arrimo laga maarmi karay oo Hay’adihii u xilsaarnaa ay ka gaabiyeen, taasoo u muuqatai naysan sii jiri doonto inta madaxda sare iyo Hay’adaha Amnia ay bedelayaan fekerkooda dhinaca Amniga.
