Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa wareegto uu soo saaray shaqadii uga eryay wasiirkii Xajka iyo Cumrada dalkaasi Mohamed Bintin.
Wasiirkan ayaa maamulayey wasaaradda xajka oo ah kuwa ugu muhiimsan ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xil ka qaadistiisa waxaa baahisay Wakaalada wararka ee Sacuudiga, iyadoo xilka wasiirka Xajka iyo Cumrada si kumeelgaar ah loogu magacaabay wasiiru dowlihii Isaam Bin Saciid.
Lama sheegin sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Xajka ee Sacuudiga Mohamed Saleh bin Tahir, waxaana uu xilka soo hayey tan iyo sanadkii 2016.
Xajka iyo Cumrada ayaa Boqortooyada Sacuudiga waxaa uga soo xarooda Balaayiin Doolar sanad kasta oo qeyb weyn ka ah dakhliga dowladda. Laakiin kadib markii uu dilaacay cudurka Covid-19 waxaa joogsaday xajkii iyo Cumradii.