Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida hoggaamiyeyaasha xisbiyada KMG ah ee dalka ayaa dhaliilay xil ka qaadista taliyeyaasha ciidamada dalka oo Khamiistii hore la wada bedelay.
Wuxuu sheegay inay shaki abuureyso sababta loo bedelayo taliye jooga jiida dagaalka oo ciidamadiisa ay guulo soo hoynayaan, wuxuuna madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo sheegay inuusan dagaal kula jirin Alshabaab mar haddii uu muddo 2 sano iyo bar ah ku bedelay shan taliye oo soo maray ciidamada xoogga dalka.
“Waxaa shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, taliyihii loo bedelay isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira. Nin 5 taliye 2 sano bar ku bedelay Alshabaab dagaal kulama jiro..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka ugu weyn dowladda hadda jirta.
Taliyaha xilka ka degaya ee Milateriga Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay ciidamada ka daayaan bedelka taliyeyasha ee faraha badan, taasoo uu ku tilmaamay inay ciidanka ka dhigi karto mid aan jiho lahayn oo jabhad oo kale ah.