Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Dagaal Dastuuri ah oo ka dhex qarxay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble

    Dagaal Dastuuri ah oo ka dhex qarxay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble

    April 23, 2015Updated:December 11, 20223 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaal dastuuri ah, salkana ku haya qaabka federaaleynta dalka ayaa ka dhex qarxay guddoonka Baarlamaanka iyo mid ka mida guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyadoo markan la isku hayo maqaamka caasimada Muqdisho iyo inay ku biiri karto maamaul goboleedyada. Waxaa hore u soo baxay  warar sheegaya in Gobolka Banaadir lagu darayo gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayna noqon doonaan hal maamul goboleed, arrintan oo madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay guddi ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ee degaanadaasi ka soo jeeda, waxay jawaab celin kulul uga timid dhinacyo kala duwan oo ay ugu horeeyaan guddoonka Baarlamaanka.

    GUDDOONKA-BAARLAMAANKA

    Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen waxay horaantii bishan soo saareen qoraal ay u direen madaxtooyada iyo xukuumadda waxayna ku caddeeyeen go’aan nuxurkiisu yahay inaan caasimadda lagu dari karin maamul goboleed kale inta sharci gaara ka soo saarayo Baarlamaanka.

    Hoos ka akhri qoraalka Guddoonka Baarlamnaanka.

    Guddonka1

    Arrintan waxay dhalisay is weydiin badan oo ku saabsan awoodda guddoonka Baarlamaanka ku hadlayaan iyo sida ay amar u soo saari karaan kaasoo aan ka soo bixin baarlamaankii ay guddoominayeen oo fasax ku jira?… Waxaa kaloo arrintan durba ku dhex jira waxa loogu yeero Beesha caalamka oo dacwado kala duwan loo qoray kuna saabsan xaaladda Gobolka Banaadir.

    Inkastoo dad badani qabaan in caasimadu yeelato maqaam iyo sharci gaara, haddana waxaa jira dood weyn oo ku saabsan lahaanshaha Gobolka Banaadir, waxayna arrinta maqaamka Muqdisho soo socotay muddo ku dhow 15 sano iyadoo la ogyahay in Shirkii Carte 2000 lagu sameeyay guddi noocan ah, dowlad kasta oo markaas kadib dhalatayna waxay qeyb ahaan bilowday mashruuc ku saabsan Muqdisho iyo xaalkeeda, iyadoo aanay jirin wax ka soo baxay tallaabooyinkaasi oo dhan.

    Dooda dastuureed ee ay qarxiyeen guddoonka Baarlamaanka waxay u muuqataa mid ay ku doonayeen inay  ugu yaraan ku hakiyaan mowjadaha federaalka ee dalka ka socda iyadoo laga cabsi qabo inay Banaadir ka mid noqoto maamul goboleedka ugu danbeeya ee la qorsheynayno in la dhiso, laakiin waxay jawaab adag ka keentay Guddoomiyah guddiyada Arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali oo sharci darro ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka.

    Hoos ka akhri qoraalka xildhibaan Cosoble

    Cosoble01

    Marka qoraalka C/qaadir Cosoble la eego waxaa soo shaac baxaya heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka ka jira fasirka Dastuurka qabyada ah iyo baaxadda ay leedahay kala duwanaanshaha rabitaanka gudoonka iyo xildhibaanada, waxayna soo jeedineysaa baahida loo qabo:

    • In la dhameystiro dastuurka qabyada ah
    • In la helo maxkamadda dastuuriga ah ee fasiri lahayd qodobadda dastuurka
    • In la qeexo qaabka federaalka gobolada dalka iyo xeer loo helo caasimadda

    Inta arrimahaas oo dhan la la’ yahay wuxuu federaalka lagu muransan yahay noqon doonaa mashruuc dhibaatadiisa aan laga bixi doonin. Waxaana inta waqtiga dowladda hadda jirta ka harsan ku dhammaan doonaa is jiidjiid aan macne lahayn oo hadda maraya Golihii Baarlamaanka.

    Faalada Wadani.com

    Banaadir C/qaadir Cosoble Guddoonka Baarlamaanka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho uga bilaabatay dalka Turkiga
    Next Article Tirada ergada shirka Cadaado oo la shaaciyay iyo Wasiiradii dowladda oo ka tegay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo