Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAQIDAAD: Saddexdii Qodob ee ay xambaarsaneyd Khudbadii Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

    FAAQIDAAD: Saddexdii Qodob ee ay xambaarsaneyd Khudbadii Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

    October 19, 2017Updated:October 19, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khudbadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyay 18-kii Oktoobar 2017 Garoonka Banadir (Konis Stadium) kadib qarixii weynaa ee ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhex jiray saddex qodob oo mudan in la dul istaago.

    Khudbadan oo timid kadib saddex maalmood oo baroordiiq ahayd waxaa la wada sugayay qorshaha cusub ee dowladda Federaalka ku wajihi doonto si aysan dib danbe ugu soo laaban wixii dhacay 14-kii Oktoobar oo taariikh madow ku noqotay Soomaalida iyo caalamka.

    Qodobadda khudbada ku jira ee iftiiminta u baahan waxay kala ahayeen:

    1- DHISMAHA CIIDAMADA DIFAACADA DADWEYNAHA

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo ciidamo lagu magacaabo: Difaaca Dadweynaha, ciidamadan oo u muuqda kuwo la dagaalamaya Alshabaab, iyadoo madaxweynaha uu sheegaya inuu isaga difaaca jiidda hore tegi doono.

    Waxa cusub ayaa ah ciidamo cusub oo u muuqda kuwo Madani ah in madaxweynaha uu sharci ka dhigayo dhismahooda, kuwaasoo ka baxsan Dastuurka, isla markaana aanay muuqan baahi loo qabo ciidamo cusub, iyadoo ciidamada Milateriga ee kala duwan, Booliska, Nabadsugidda, iyo kuwii dhowaan la sameeyay ee xasilinta Caasimadda ay jiraan una baahan yihiin tayeyn, Qalab iyo dhaqaale.

    Ciidamadan oo haddii dhinac laga eego la mid noqonaya kuwa laga sameeyay dalka Ciraaq ee lagu Magacaabo “Xashd Ashacbi” (الحَشد الشعبيّ )  oo ah mutadawiciin Shiico ah oo ka barbar dagaalama ciidamada Ciraaq, lana sameeyay markii ay Daacish halista gelisay Ciraaq, ayay muuqataa inaysan sinnaba uga shaqeyn karin xaaladda Soomaaliya.

    Waxaa hore u jiray ciidamo madani ah oo qaab xaafadeed iyo beeleed isu abaabuli jiray xilliyada aanay wax dowlad ahi jirin ama magaca uun ka jirtay, laakiin xilligan oo dhisme ciidamo Qaran lagu dhex jiro aan ku habooneyn.

    2- MIISAANIYADDA LA-DAGAALANKA ALSHABAAB

    Madaxweynaha wuxuu khudbadiisa ku sheegay in lacag dhan 14 Milyan oo doolar dowladdu u qoondeysay la-dagaalanka Alshabaab iyo taageerada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Isgoyska Soope.

    Dhaqaalahan inkastoo aanu caddeyn halka uu ka imaanayo iyo sida loo qorsheeyay, haddana dowladda Federaalka waxay u baahan tahay oo kaliya inay maareyso dhaqaalaha badan ee Sooamaalida iyo beesha caalamka ku deeqayaan, si aan dhexda looga bixin, isla markaana ay dhismaha ciidamadeeda ka dhigto mashruuc gaara oo ah mid qaran oo aan ku xirneyn xaalad mar soo dhac ah.

    3- BAAQA IN SHACABKU HUB QAATO

    Madaxweynaha Farmaajo wuxuu shacabka ugu baaqay inay hubka qaataan, taasoo ahayd baaq kicin ah oo dadka lagu xamaasad gelinayo, haddiise si qoto dheer loo eego noqonaya mid halis ku ah dhinaca ammaanka.

    Dowladda Federaalka oo leh ciidamo ka badan 50,000 askari oo milateri, Boolis iyo Nabadsugid isugu jira uma baahna shacab dagaalama, iyadoo xaaladda Soomaaliya ay tahay mid dadku qabiil u qeybsan yahay, waxaana la rajeynayaa inuu baaqu ku koobnaado garoonkii laga sheegay oo loo qaato xamaasad iyo kicin dadweyne kaliya.

    FAAQIDAADDA GOOBJOOGE

    Farmaajo Farmajo Qaraxii Soope Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMUSIIBADII OKTOOBER-14 MAXAAN KA BARA KARNAA..? [Qormo Faallo iyo talo bixin ah]
    Next Article Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay qeylo dhaanta kasoo yeertay Dhaawacyadii la geeyay Suudaan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo